Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....
Daraasad laga sameeyay dalka Ingiriiska oo lagu baarayay mudada ay dumarku sirta haynkaraa, ayaa lagu ogaaday in qofka dumarka ah aaney sirta hayn karin muddo ka badan 47-saacadood.
Sida daraasaddan lagu sheegay 10-kii dumar ah 4 ka mid ah aaney sirtaba hayn karin daqiiqadna, iyagoo intaa sii raaciyay in haweenkaasi ay si joogto ah u faafiyaan sirta raggooda iyo xitaa waalidkood.
Daraasaddan ayaa intaa sii raacisay in 40% dumarka ay dambi dareemaan iyo qoomameyn marka ay sirta faafiyaan ka dib.
Daraasaddan ayaa caddeysay iney dumarku isbuucii maqlaan celcelis ahaan saddex war oo war suuqeed ah isla markaana ay u sheegaan ugu yaraan hal qof oo kale.
Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda oo daraasaddan daabacday ayaa sheegatay in daraasaddan lagu sameeyay dumar ku dhow 3000(Saddex kun) oo da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 65 sano, waxaana lagu ogaaday in qofka dumarka ah ay sirta hayn karto 47 saacadood iyo 15 daqiiqo oo qara, waana waqtiga ugu dheer ee ay sirta hayn karaan.
Goobjoog.

Comments
Post a Comment