Akhriso:-Khudbadda Xasan Sheekh Maxamuud Imaanshaha Ka Dib Uu Jeediyay....

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, isaga oo dalka ku maraya safar ujeedadiisu lagu sheegay xog-ogaalnimmo iyo u kuur-gelidda xaaladda dalka.
Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Khudbaddiisa oo Dhameystiran:
“Dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waan salaamayaa, si gaar ah waxaan u salaamayaa madaxda dowladda iyo golaha wasiirrada, xildhibaannnada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed, ganacsatada, ugaasyada iyo dhammaan dhalinyaradii iyo haweenka ka soo qeyb-galay soo dhoweynteeda, waan ku faraxsanahay in 18 bil ka bacdi aan ku soo noqday magaalada Muqdisho, waxaan u imid in aan dalka xog-ogaal u noqdo, amuuraha xaaladda dadka iyo dalka waxa ay ku sugan yihiin, magaalada Muqdisho keliya ma aha waxaan tagi-doonnaa gobollada haddii alle idmo, safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimmo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa, dhinac walbo leh, dhinac siyaasadeed, dhinac dhaqaale leh, dhinac amni leh, kadibna wixii talo ah oo sida mustaqbalka loo quruxin karo ra’yigeyga iyo taladeyda siyaasadeed ayaan la iman-doonnaa, beyahan soo socdana kulammo badan iyo wada sheekeysi badan ayaan yeelan-doonnaa haddii alle yiraahdo’ marka kale waxaan u mahadcelinaa intii I soo dhoweysay inta dalka joogta iyo dibaddaba.
Imaatinkiisa ayaa aheyd bilihii la soo dhaafay aheyd hadal-heynta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxaana ay dad badani is-weydiinayaan waxa uu ku soo kordhin-doona guud ahaan siyaasadda dalka.

Comments

Popular posts from this blog

Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....

Bosaso City Council Elects New Mayor....

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose....