Baydhabo Sheybaar Xoolaha Ia Marsiiyo Inta Aan Ia Gowricin....
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa dhowaan magaalda Baydhabo ka hir gelisay labo xarumood oo kala ah qeyb sheybaar ah oo lagu baarayo xoolaha qalliinka ah ee dadka magaalada isticmaalaan iyo qeyb kawaan ah oo lagu qalo xoolaha baarista lagu soo sameeyay.
Bishaan Agoosto 18-keedii ayaa sheybaarka la howlgeliyay, wuxuuna wasiirka xannaanada xoolaha ee maamulka Maxanmed Cabdiraxiin Nuur sheegey in ku dhowaad saddex boqol oo neef baaris la mariyay, kuwaas oo ahaa xoolo kawaanka la keenay ee qalliin ahaa.
Comments
Post a Comment