DIRIRDHABA: 18 QOF OO KU DHINTAY SHIL DIYAARADEED....
Ugu yaraan 18 Qof oo ay 3 ka mid ah Rayid yihiin ayaa ku dhintay kaddib markii Diyaarad ka kacday magaalada Dirirdhaba ay ku burburtay degaanka Lumee Ejereetti.
Diyaaradda ayaa ku sii jeedday Magaalada Bishoftu,waxaana ay wadday dad u badan Milatariga Dalka Itoobiya,iyada oo ka duushay Magaalada Dirirdhaba.
15 qof oo kale ee geeriyooday ayaa ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Itoobiya ee Ethiopian National Defense Force (ENDF).
Dowladda Itoobiya wali si rasmi ah ugama hadlin shilka Diyaaradeed ee Milatariga Itoobiya ka b
ur burtay.
Sidoo kale Warbaahinta Dowladda ee FANABC,ma sheegin waxa sababay shilka diyaaradeed ee ay ku dhinteen 18ka qof.
Comments
Post a Comment