Dowladda Soomaaliya Oo Loogu Deeqay Malaayiin Doolaar...

Ra’isalwasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May, oo booqasho maanta ku tagtay Dalka Kenya ayaa Madaxweynaha Kenya kala hadashay xiriirka labada dal,amniga, dagaalka AL-shabaab iyo guud ahaan Xiriirka Ingiriiska iyo Afrika.
Ms May ayaa $30Milyan oo doolar ugu deeqday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya halka $9Milyan oo doollar ay ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
May ayaa waxaa ay 60Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ugu deeqday sidii looga soo kaban lahaa Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
Intii ay joogtay Nairobi waxaa ay booqatay Xerada Ciidamada Ingriiska ee ay ku tababaraan Ciidamada la dagaallamka Al-shabaab ee Kenya iyo Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....

Bosaso City Council Elects New Mayor....

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose....