Galmudug Dadaalka Lagu Xalinayo Khilaafka Madaxda Maamulkaasi Oo Gabagabo Maraya.....
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo ka hadlayay arrimaha khilaafka Galmudug ee weli ka taagan maamulkaais ayaa sheegay in heer gabagaba ah uu marayo xalinta khilaafkaasi.
Mr Carabey ayaa hoosta ka xariiqay in maalmaha soo socda la soo afjari doono gabi ahaan khilaafka ka jira Galmudug.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa khilaaf xoogan oo hoos u dhigay habsami u socodka howlaha Galmudug uu ka taagnaa deegaanada maamulkaasi, kaas oo u dhexeeya Madaxweyne Xaaf, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Comments
Post a Comment