Kenya Dad Lagu Xiray Oo Ay Ku Jiraan Xubno Soomaali Ah...

27 ruux oo u dhalatay wadanka tanzania ayaa la filayaa in laga tarxiilo magaalo xeebeedka mombasa ee dalka kenya iyadoo guud ahaan dalkaas ay ka bilaabatay howlgalo ka dhan ah dadka soo galootiga.
Laamaha police-ka ayaa dadkaan u gacan galiyay waaxda socdaalka maanta oo khamis ah halka qaarkood loo dhamestiray tasiilaadkii ay ku laaban lahaayeen.
Dadkaan ayaa lagu hayaa saldhiga ciidamada Police-ka ee Likoni oo ku yaal magaalada Mombasa.
Taliyaha ciidamada ciidamada Police-ka ee isamaamulka Mombasa Johnston Ipara ayaa sheegay in dadkaan qaarkood la xiray ay ku jiraan muwaadiniin kale oo u dhashay dalalka Congo,Somalia, Eritrea,Ethiopia kuwaasi oo dhamaantood qaab aan sharci aheyn ku joogay mombasa.
Ilaa iyo hada Police-ka Mombasa ma cadeyn magacyada dadka soomalida ah ee lagu xiray gobolka xeebta Kenya.
Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu xiray muwadiin u dhashay wadanka Cameroon.

Muwadiniinta u dhashay dalalka bariga Afrika sida Burundi Uganda Rwanda iyo tanzania ayaa isticmaaali kara aqoonsigooda si ay dalka kenya uga baxaan Balse waxaa maxkamadeyn la kulmi doono kuwa kale ee aan u dhalan wadamada bariga Afrika.

Maxkamada Mombasa ayaa dhanka kale maxkamadeysay 35 ruux oo u dhalatay Itoobiya kuwaasi oo si sharci daro ah ku joogay Mombasa.

Comments

Popular posts from this blog

Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....

Bosaso City Council Elects New Mayor....

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose....