Kenya Laba Dumar Ah Dacwadooda Socota Duubayay Oo Laga Shakiyay Dibna Loo Dhigay Maxkamadeyn-tooda....

Labo Qof oo loo heystay dacwad la xiriirta Argagixisanimo ayaa xabsiga la dhigay intii ay socotay Maxkamadeyntooda Magaalada Mombsa.
Eedeysanayaasha oo ah Labo Haween ah ayaa isu diyaarinayay furitaanka dacwadda ka dhanka ah iyaga,inta ay sugayeen ayeyna billaabeen duubista xarunta Maxkamadda taas oo shaki ku dhalisay Garsooraha.
Garsooraha Maxkamadda ayaa joojiyay dhegeysiga Dacwadda,markii uu ka war helay labo Eedeysane oo Taleefannada Casriga ah ku duubaya gudaha Maxkamadda,waxaana uu u yeeray Ciidanka la dagaallanka Argagixisada oo xabsiga dhigay.
Qareenka u doodayay labad Eedeysane oo labaduba ah Haween, Ninka lagu magacaabo Chacha Mwit,ayaa ka codsaday Garsooraha in Dacwaddu sii socoto eedeysanayaashana aan la xirin,hayeeshee Garsooraha ayaa ku gacanseyray.
Feruz Hamid Abubakar iyo  Shamsa Abubakar ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka la dagaallanka Argagixisada ee Anti-Terror Police Unit (ATPU).
Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in dhegeysiga kiiska ka dhanka ah Gabdhaha la isugu soo laabto maalinta Berri ah oo ay 31 tahay Bisha August.

Comments

Popular posts from this blog

Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....

Bosaso City Council Elects New Mayor....

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose....