Kuuriyada koonfureed oo diiday booqasho uu dalkeeda ku tagi lahaa Madaxweynaha Israel....
Dowlada kuuriyada koonfureed ayaa diiday booqasho uu dalkeeda ku tagi lahaa madaxweynaha Israel Reuven Rivlin si loo xaliyo qilaafka baahsan ee u dhaxeeya labada dal.
Website laga leeyahay Israel oo lagu mjagacaabo Ynetnews ayaa qoray maalintii shalay oo khamiis aheyd in booqashadan la qorsheeyay in uu madaxweynaha ku tago sanadkaan ama sanadka danbe.
Israel ayaa sheegtay in aan la aqbali karin diidmada ka timid kuuriyada koonfureed.
Ilaa iyo hada lama sharaxin sababaha ay xukuumada Seol u diiday in uu booqasho dalkeeda ku tago madaxweynaha Israel.
Balse waxaa loo sababeynayaa in arintaan ay la xiriirto sadex arimood oo la sheegay in ay tahay heshiis ay labada dhinac u gaareen Balse ay Isreal ka baxday.
Waxaa ka mid ah qandaraas loogu dhisayay doomaha dheereeya ee dagaal ay dowlada Israel siisay shirkad laga leeyahay wadanka Jarmalka.
Heshiiskan oo sanad ka hor la galay ayaa xukuumada Seoul waxay sugeysay oo kaliya amar kaga yimaada xukuumada Tel aviv si ay ugu dhaqaaqdo.
Comments
Post a Comment