Madaxweynaha Mareykanka Hadal Uu Twiiterka Soo Galiyay Oo Isla Halkaasi Looga Jawaabay.....

Wasiirka arimaha gudaha ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in dowlada islaamiga ah ay sii wadi doonto xasilooni ay awood ku dheehan tahay oo ka jirta bariga dhexe inkastoo dhibaato ay kala kulmayaan Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka maanta oo Jimco ah ayaa waxaa kaga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweyne Trump kaasi oo ahaa in Iran ay ku burburi doonto siyaasada maamulkiisa.
Balse Zarif ayaa sheegay in ay aqoon u leedahay mareykanka qalqalka ku yimid darteedna uu madaxweynahooda ku dhisanayo Niyada in uu burburinayo Xukuumada Iran.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in Iran waligeed ay aheyd awooda bariga dhexe ka jirta ayna mas,uul ka ahaan doonto.
Wasiirka Arimaha Dibada Iran ayaa intaa ku daray in su,aasha isweydiinta mudan ay tahay isbadalka uu keenay madaxweyne Trump ee ka dhanka ah Iran mudada uu xilka hayay.
Xukuumada Mareykanka ayaa cunaqabateyn saartay maamulka Tehran waxaana ay dib uga laabatay heshiiskii Niyuuklerka oo quwadaha caalamka Iran la galeen sanadii 2015-kii.

Comments

Popular posts from this blog

Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....

Bosaso City Council Elects New Mayor....

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose....