Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Shiinaha....
Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa dalkaaasi Xi Jinping.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlli doona arrimo dhowr ah, sida dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ku sugun magaalada Beijing ee dalka Shiinaha,waana markii ugu horreysay uu Madaxweynuhu tago dalkaasi, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Somalia.
Comments
Post a Comment