Falastiin,Waxeey Ka Hor-timid Hadal Ka Soo Yeeray Madaxweynaha Mareykanka...

Saraakiil ka tirsan dowlada  Falastiin ayaa  gaashaanka u daruuray  hadal uu jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ahaa in loo baahanyahay xal  nabadeed oo la dhex dhigo  Israa’iil iyo Falastiin.
Mr.Trump  ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha  Israa’iil  , Benjamin Netanyahu.
Waxaa uu intaasi ku daray in labada dhinacba  la doonayo inay nabadda qaataan.
Hasa ahaate  Falastiin ayaa  aaminsan in siyaasadda Maraykanka ay tahay mid meesha ka saareyso raja  ku aaaddan in xal waara la gaaro.
Mas’uuliyiinta dhaliilay hadalka Trump waxaa ka mid ah  Husam Zomlot oo ah madaxa xafiiska hay’adda xoreynta Falastiiniyiinta ee  magaalada Washington ee  Maraykanka.
Israa’iil ayaa tan iyo sannadii 1967-dii haysatay degaano badan oo ka tirsan Falastiin waxaana tan iyo xiligaasi socday dadaalo ku aaddan in dib loola wareego in kasto dhibaatooyin   shacab lagu waxyeeleeyay ay ka dhasheen.

Comments

Popular posts from this blog

Daraasad"Dumarka Imisa Ayee Qarin Karaan Siraha Loo Sheegto.....

Bosaso City Council Elects New Mayor....

Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye, Shabeellaha Hoose....