Yeman,Kooxo Sidii Magafe U Dhaqma Oo Somomali Lacag Ku Sii Daayay....
Sida lagu daabacay Yemenakhbar oo kasoo baxa Dalka Yemen waxaa Todobaadyo gudahood lagu sii daayay Soomaali aan Tiradooda la sheegin balse u xirneed Dabley Hubeysan oo ku heysatay Laxja iyo Ticis.
Dadka lasii daayay ayaa la sheegay in ay Soomaaliya ka tageen una sii jeedeen Boqortooyada Sacuudiga, Blase waxa ay ka war heleen Koox hubeysan oo Meel ku Xareysatay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkaan ay sameeyeen Xiriiro Dibadda ah oo ay ku dalbadeen Lacag dhan $3000 oo ah Lacagta lagu sii daayay.
Sababta ku Ka qasabtay in ay Dalbadaan oo ay Dhiibaan Lacagta intaa la eg ayaa lagu sheegay in ay ku dhowaadeen Xaalad Dhimasho, lacagtaana lagu furtay.
Qof ku sugan Halka Dhacdadaan ka dhacday ayaa ka sheekeeyay sida uu helay Xogtaan ku saabsan in dadkaan Lacag lagu sii daayay.
Waxa uu sheegay in Doontii ay saarnaayeen ay ka baqday in ay Xeebta ku dhowaato, sidaasine ay ku qasbanaadeen in dadka ku degaan Meel ka fog Biyaha Xeebta ee dabaasha ugu tagi karaan Xeebta.
30-qof oo kamid ah Dadkii Doonta Saarnaa ayuu tibaaxay Qofkaan Xogtaan Bixiyay in ay Biyaha Badda la tageen balse markii dambe uu ka badbaadiyay Markab ay Wateen Ciidamo oo uusan sheegin Dalka ay ka socdeen.
Doontii Dadka keentay ayuu tibaaxay in Dadkii waday ay hubeysnaayeen oo qasab ay ugu dajiyeen.
Qofkaan oo Magaciisa la qariyay ayaa intaa ku daray in uu helay Telefoon uu leeyahay qof kamid ahaa Dadkii la afduubtay oo Haweeney kasoo wacday Dalka Sweden, sidaasine ugu sheegay in Koox Hubeysan ay wateen dadkii Doonta saarnaa.
Waxa uu sheegay in Markii uu Hadalkaa u sheegay in ay Ilmeysay kana dalbatay in uu Raadiyo Xiriirka Kooxda Wadatay.
Ka Xog waramaha Dhacdadaan oo Magaciisa la qariyay ayaa sheegay in Dadka la afduubtay ay ahaayeen Afrikaan kana Yimaadeen dhanka Xeebaha Soomaaliya.
Ma sheegin Dhibaato ama Jirdil loo geystay Dadka la watay, balse hadalada ugu badan ee la weydiinayay ayuu ku sheegay in ay ahaayeen in ay ka rabaan Lacago Madax furasho ah, Maadaama Sharci darro ay ku socdeen.
Goobjoogaha Xogtaan Bixiyay waxa intaa raaciyay in ugu dambeyn lasii daayay Dadkaan kadib markii ay bixiyeen Lacagta Saddexda kun ee Doolar ee Madaxooda la dul dhigay.
Soomaalida, Itoobiyaanka iyo Eretariyaanka ayaa Yemen Muddo dheer u ahayd Marin ay kaga sii gudbaan Sacuudiga, waxaana saameeyay Dagaalada u dhaxeeya Dowladda oo garab ka heleysa isbaheysiga Sacuudiga iyo Kooxda Xuutiyiinta.
3-sano, 6-Bilood iyo 2-Todobaad ayaa kasoo wareegtay Markii dalka Yemen ay faragelin toos ah ku sameeyeen Isbaheysiga Sacuudiga oo kala ah Dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Kuwait, Qadar, Imaaraatka, Masar, Urdun, Marooko, Sudan iyo Senegal.
Comments
Post a Comment